UK: Arday Muslimiin oo lagu khasbo inay ku tukadaan Barxadda Iskuulka, xilli uu baraf da’ayo.

MUSLIMIIN 1Hoggaamiye Masjid Maxali ayaa si kulul u naqdiyey Maamulja Dugsiga Grammar School oo Ardayda ku khasbay inay ku tukadaan bannaanka xilli uu roob da’ayo, iyadoo xaalladaasi adag qalad ku tahay indhaha dadka kale.

muslimiin 2Ardayda Muslimiinta dhigata Dugsiga Mirfield Free Grammar School iyo Fasalka 6-aad ee Dugsiga Mirfield ee Galbeedka magaalladda Yorkshire ee dalka Britain ayaa  waxaa si xoog leh loogu khasabay inay bannaanka ugu baxaan Roobka iyo Barafka, si ay u tukadaan, sidaa waxaa yiri Waalidiinta Ardaydaasi dhallinyarada ah.

muslimiin 4
Waxaa lagu khasbaa inay salaadooda caadiga ku tukadaan Roobka Barafka wata iyo Cimilladda qabowga badan.

Ardayda waxay sheegeen in uu Maamulka Dugsiga u diiday inuu iyagu u fasaxo inay ku tukadaan gudaha Dugsiga.

Waalidiinta waxay sheegeen in xaalladan soo taxnayd ilaa bishii October ee sannadkii 2014-kii, markii loo diiday inay ku tukadaan halka laga galo Dugsiga.

Waalidka waxay haatan ka fekerayaan inay qaadaan Tallaabo Sharciga ah.

muslimiin 3Akooji Badat oo ah Guddoomiyaha Masjidka iyo Madrasadda Noor-ul-islaam Mosque oou dhow Batley oo dhallinyarro badan ku cibaadaystaan ayaa sheegay in loo baahan yahay inuu Maamulka Dugsiga raalli-gelin ka bixiyaan arrintaasi.

muslimiin 000

© Radio Dalsan   

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor