Uhuru Kenyatta: “Xeradda Dhadhaab waxaan u xiraynaa sababo la xiriira Weeraradda Alshabaab”

Madaxweynaha Kenya ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir-madaxeedkii Hoggaamiyayaash Dowladaha IGAD shalay ku yeesheen magaalladda Nairobi, wuxuuna xusay in ay Qaxootiga Soomaalida mashaakil ku yihiin Deganaanshaha dalkiisa, loona baahan yahay in xal kama-dambays ah loo helo Xaalladda Qaxootiga Soomaalida.

“Waxaa ii cad sida aad idinka Hoggaamiyayaal u araghtaan in la gaaray waqtigii Xalka Kama-dambaysta loogu heli lahaa Qaxootig Soomaalida, looguna celin lahaa dalkooda hooyo” ayuu yiri Uhuru Kenyatta.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan xal hayn Xero Qaxooti, loona baahan yahay in Soomaalida fursad la siiyo, si ay dib ugu laabtaan una dhistaan dalkooda/

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay Go’aanka ay Dowladiisa ku xiri doonto Xeradda Dhadhaab oo ay ku jiraan Boqolaal kun oo Somali ah, waxaana uu si cad u sheegay inay Alshabaab  galaangal ku leeyihiin Xeryha Qaxootiga, kan abaabulaan weeraradd qorsheysan ee ay ka fuliyaan gudaha Kenya, waa sida u uhadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Waxa uu hoosta ka xariiqay inay Dowladda Kenya gaartay go’aan lagu xirayo Xeradaasi, kadib, markii ay Xaalladda Ammaanka Somalia soo hagaagtay.

Mar uu ka hadlayey Qaxootiga Soomaalida ee  iskooda ugu soo laabanayo dalkooda Hooyo waxa uu tilmaamay inay 60,000 oo Qaxooti ah iskood u laabteen, isagoo sheegay  inay horey ugu taageereen 100 million oo Shillinka Kenya Qaxootiga dib ugu laabtay Somalia.

Uhuru Kenyatta waxa uu Hay’adh Smafalka iyo kuwa Horumarinta  ugu baaqay inay ka hawlgalaan gudha Somalia, isagoo dhanka kalen Beesha Calaamka ku booriyey inay  kaalin ka qaataan Dadaalka iyo dhiiri-gelinta Qaxoottiga laabanayo, inta ay AMISOM ku hawlan yihiin xaqiijinta Ammaanka Somalia

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media