Uhuru Kenyatta oo Waraaqihii Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Somalia uga wakiil ah Kenya

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta waxa uu maanta Aqalka Dowladda ee magaalladda Nairobi ku qaabilay Danjiraha Somalia ee Somalia u joogi doono Kenya, Ambassador Jamaal Maxamed Xasan.

Madaxweynaha iyo Danjiraha waxay ka wada hadleen Xiriirka Labada Waddan,  Ammaanka iyo Hawlgalka lagula dagaalamayo Xarakadda Alshabaab.

Ambassador  Jamaal Maxamed Xasan oo ka hadlay qaabilaadaasi ayaa sheegay in iskaashiga Wadajirka ee Somalia iyo Kenya ee La-dagaalanka Alshabaab oo iyagu khatar ku ah Ammaanka Labada Waddan, kan Bariga Afrika iyo Caalamka oo dhan.

Kulanka Qaabilaadda ee Madaxweynaha Kenya  iyo Danjiraha cusub ee Somalia uga wakiilka ah Kenya waxaa goob-joog ka ahayd Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kenya, Amino Mohamed iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Kenya.

Webka 1 webka 3 Webka

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor