Uhuru Kenyatta oo sheegay inaysan isku dhiibin doonin waxa uu ugu yeeray Kooxaha Argagixisadda

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa hadalkaasi ka sheegay Shirkii looga hadlay La-dagaalanka Xag-jirnimadda oo shalay lagu soo gebagebeeyey magaalladda Nairobi, wuxuuna xusay inay Beesha Caalamka, dalalka deriska iyo Ururradda Bulshadda Rayidka kala shaqeyn doonaan sidii wax looga qaban lahaa Xag-jirnimadda iyo Argagixisadda, waa sida uu hadalka u dhigay.

Uhuru Kenya waxa uu sheegay inaysan Argagixisadda marnaba ka guuleysan doonin Kenyaanka, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay dadka Kenya yihiin kuwii u soo dagaalamay Madax-bannaanidooda.

Mar uu ka hadlayey Natiijadda Shirweynaha ku idlaaday Nairobi waxa uu sheegay in la isla gartay muhiimadda ay Bulshadda Caalamka si wadajir ah ugula dagaalamayaan kooxaha uu ugu yeeray Argagixisadda, loogana hortegi lahaa Xag-jirnimadda.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay, iyadoo ay Hay’addaha Ammaanka Kenya dagaal kula jiraan Alshabaab oo iyagu hawl-gallo badan ka fuliyey gudaha dalkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor