Uhuru Kenyatta oo sheegay inay Kenya iyo Ethiopia ka wada shaqeynayaan Nabadda Somalia.

Madaxweynaha Kenya, ayaa hadalkaasi ka sheegay mar ay isaga iyo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Hailemariam Desalegn ku kulmeen Xuduudka Labada Waddan, iyagoo ka wada hadlay xalinta iska horimaad labadooda ciiddan ku dhex maray halkaasi.

Uhuru Kenyatta waxa uu tilmaamay inuu Xiriirka Kenya iyo Ethiopia aad u xoogeystay, isla markaana ay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii Nabad loogu soo dabaali lahaa Somalia.

Waxa kale oo uu tilmaamay inay si wadajir ah uga wada shaqeyn doonaan xalinta iska horimaadyadda ka dhaca Xuduudka Kenya iyo Ethiopia, iyadoo bishii hore lagu dilay 6 Askari oo Kenyan ah.

Dhinaca kale, Uhuru Kenyatta iyo Hailemariam Desalegn waxay kala saxiixdeen Heshiis lagu horumarinayo Deegaanadda ku teedsan xuduudka, iyo in la dhameeyo iska horimaadka xuduudka labada dhinac.

Heshiiskaasi waxay Labada hoggaamiye ku kala saxiixdeen Degmadda Moyaale ee ku taalla xuduudka, waxaana Heshiiska ku wehliyey Labada Wasiir Arrimo-dibadeed ee Kenya iyo Ethiopia, Amina Mohamed iyo Tedros Adhanom.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor