Uhuru Kenyatta oo loogu baaqay inuu iclaamiyo Dagaal ka dhan ah Alshabaab iyo bandow lagu soo rogo W/bari Kenya

Koox ka tirsan Barlamaanka Kenya, kana soo jeeda Goballadda Dhexe ee dalkaasi ayaa ka codsaday Wasiirka Arrimaha Gudaha, Joseph Nkaissery in Bandowgii Habeenimo lagu soo rogo magaallooyinka Mandera, Garissa, Wajeer iyo deegaannadda kale.

Denis Waweru oo horkacayey Xildhibaanadaasi oo ka qeyb galay aaska 11-kii Shaqaalaha Dhagxaanta ee dhawaan lagu dilay duleedka Mandera ayaa sheegay in Bandowga oo keliya looga hortegi karo weeraradda  ay Dagaalamayaasha Alshabaab ka geystaan W/bari Kenya.

“Waa in dib Bandow loogu soo rogaa Mandera, Garisa iyo Laamu, waana inuu Wasiirka Arrimaha Gudaha qaada mas’uuliyadeeda” ayuu yiri Xildhibaankaasi oo ugu baaqay Wasiirka Arrimaha Gudaha inuu  ka shaqeeyo sidii hubaal looga dhigi lahaa Ammaanka Kenya.

Dhinaca kale, Denis Waweru waxa uu ka codsaday  Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo aqlabiyad ku leh Barlamaanka Kenya iyo Hoggaamiyayaasha kale ee W/bari Kenya  inay soo gudbiyaan waxa uu ugu yeeray Liiska Argagixisadda ee ay horey u ballanqaadeen weerarkii Alshabaab ee Jaamacadda Garissa kadib.

Dhinaca kale, Kooxda Xildhibaanadda ka tirsan Barlamaanka Kenya waxay ka codsadeen Madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu si rasmi ahaan u shaaciyo Hawlgal dagaal oo  ka dhan ah Dagaalamayaasha Alshabaab, oo la mid ah Hawlgalka Kenya ka socda ee lagula dagaalamayo Qamriga nooca Calaq ah

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor