Uhuru Kenyatta oo lagu cadaadinayo inuu shaaciyo tirada Askarta Kenyanka lagu dilay Weerarkii Ceel-cadde.

Xildhibaan Tim Wanyonyi oo ka tirsan Barlamaanka Kenya ayaa ugu baaqay Madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu jebiyo aamusnaantiisa ku aadan inay Ciiddanka Kenya sii joogaan gudaha dalka Somalia.

Xildhibaanka oo ka hadlay Barlamaanka Kenya ayaa sheegay in la joogo xilligii la horumarin lahaa Istaraatijiyadda Kenya ee ay Ciiddanka kala soo baxayso dalka Somalia ee ay colaadaha kala qoqobeen, waa sida uu hadalka u yiri.

“Waa xilligii uu Madaxweynaha u sheegi lahaa Qaranka, xilliga ciiddanka laga soo daad-gureynayo Somalia. Ciiddankeenna waxay Somalia joogaan muddo aad u dheer” ayuu yiri Xildhibaankaasi.

Waxa uu intaasi ku daray in Uhuru Kenyatta looga baahan yahay inuu shaaciyo tirada Askarta Kenyanka ee ay Alshabaab ku dileen iyo kuwa lagu afduubtay weerarkii ay bishii Janaayo 15-dii ee sannadkan ku qaadeen Xeraddii ay Ciiddanka Kenya ku lahaayeen Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Hadalka Xildhibaankaasi ayaa ku soo aaday iyadoo la filayo inuu Uhuru Kenyatta berrito khubad u jeediyo Ummadda Kenyanka.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor