Uhuru Kenyatta oo ku baaqay in Hawlgalka AMISOM la siiyo Awood dheeraad oo ay kula dagaalamaan Alshabaab

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa baaqaasi ku sheegay Khudbad uu maanta ka jeediyey Kulan ay yeesheen Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, kaasi oo feer socda Shir-madaxeedka 26-aad ee Hoggaamiyayaasha Afrika oo maanta uga furmay Xarunta Dhexe ee Ururkaasi oo ku taallo caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in wax lga beddelo Sharciga ay AMISOM ku hawlgalaan, lana siiyo fursad dagaal oo ay kaga guuleysan karaan Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Kenya waxa kaloo uu ku baaqay in Ciiddanka AMISOM si xooggan loo mideeyo Awoodooda Dagaal ee dhinacyadda Dhulka, Cirka iyo Badda, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in Ciiddamo loo soo daad-gureeyey inay dagaal galaan, haddana aan haysanin Adeegyo ay kaga dagaal karaan Xeebta Somalia oo uu dhererkeedu ka badan 3,000 oo KM.

Madaxweynaha Kenya waxa uu carrabka ku hduftay in la gaaaray xilligii Isbedel lagu samayn lahaa Awoodda Shaqo ee AMISOM, loona oggolaado Ciiddanka u itaal sheegtaan Alshabaab, si ay Dowladda Federalka uga soo kabato Maamulka Xuduudka Gudaha.

Madaxweynaha Kenya waxa uu qiray inay Alshabaab bedeleen Xeeladihii Dagaalka, isla markaana loo baahan yahay inay Ciiddamadda Ammaanka ee dalalka deriska, gaar ahaan AMISOM loo baahan yahay inay qaadaan Tallaabooyinka muhiimka ah.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Kenya waxa uu ka hadlay Weerarkii Alshabaab ay labo isbuuc ka hor ku qaadeen Ciiddankii Kenya ee ku sugnaa Deegaanka Ceel-cadde, wuxuuna xusay inuu Weerarkaasi muujinayo inay Somalia tahay Saaxadda waxa uu ugu yeeray Argagixisadda.

Uhuru Kenyatta waxa uu soo bandhigay 5 qoddob oo ku aadan Hawlgalka AMISOM, wuxuuna ugu baaqay Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Ururka Midowga Afrika inay dib u eegaan Nidaamka Ciiddanka AMISOM loogu kala meeleeyo Goballadda Somalia, iyo in Ciiddamo badan loo soo daabulo Gobalka Gedo ee Sector 3.

©Radio Dalsan        

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor