Uhuru Kenyatta oo ku baaqay in baaritaano lagu sameeyo Saraakiisha fududeeya weeraradda Alshabaab

 

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta waxa uu ku sifeeyey musuqa ka dhex jira Dowladiisa mid khatar ku ah Ammaanka, isla markaana ay gacan-saar la leeyihiin Weeraradda Alshabaab ka geystaan gudaha Kenya.

Khudbadiisa Sananadlaha oo laga baahiyey Warbaahinta Dowladda  Kenya waxa uu tilmaamay in Laaluush la siiyo Sarkaal ay horseedi karto in lagu guuleysto weeraradda Alshabab ku dilayaan dadka Kenyaanka, waa sida uu hadalka u yiri.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta waxa uu Khudbadiisa ku xusay inuu Hay’adda Sirdoonka weydiiyey inay ilaalo ku sameeyaan dadka lagu tuhunsan yahay inay Al-shabaab ka qaataan Laaluush, iyadoo ay Dagaalamayaasha Alshabaab dileen boqolaal Kenyaan ah labadii sanno ee la soo dhaafay.

Weeraraddii ugu ballaarnaa ee Alshabaab waxay bilowgii bishii April ee sannadkan ku qaadeen Jamaacadda Garissa oo lagu dilay ugu yaraan 148 qof.

Sidoo kale, bishii September ee sannadkii hore waxay weerareen Dhismihii Ganacsiga ee Westgate oo lagu dilay ugu yaraan 67-qof.

 

uhuru 3

© Radio Dalsan                 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor