Uhuru Kenyatta oo ka mid noqday Taageerayaasha Barack Obama ee Twitterka

Iyadoo uu Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama uu dib u helay Twitterkiisa rasmiga oo 6 sanno ka hor laga dhacay ayaa waxa uu muddadii  labo maalmood ee uu furnaa Twitterkiisa waxa uu ku kasbaday 2.1 million oo Taageerayaal (2.1 million followers).

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa ka mid ah Hoggaamiyayaasha Caalamka ee la twit-gareeyey (tweeted) Madaxweyne Obama oo isaga Twitterkiisa gaarka ah dib u furtay maalintii Isniinta ee la soo dhaafay.

 

Madaxweyne Uhuru Kenyatta waxa uu qoraalkiisa ku yiri:- @welcome to @Twitter, @potus. Waxaan eegayaa socdaalka aad Kenya ku imaanayso July #TembeaKenya #GES2015Kenya”

 

Madaxweyne Obama ayaa laa sheegay inuusan weli ka soo jawaabin Farriinta Twitterka ee uu Uhuru Kenyatta shalay u diray.

 

Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka, Bill Clinton oo 3.4 million oo qof kula saaxiib ah Twitterkiisa ayaa soo dhaweeyey Twitterka Obama.

 

Dhinaca kale, Madaxweyne Obama  oo Twitterkiisa furay maalintii Isniinta ee la soo dhaafay waxa uu labo maalmo gudaheeda ku kasbaday 2.1 million oo saaxiibo.

Waxa uu farriintiisa Koowaad ku qoray sidatan:-   Hello, Twitter! Waa Barack. Xaqiiqdii! 6 sanno gudaheeda, waxay ugu dambeyntii i soo siiyeen cinwaankayga Twitterka.

Obama waxa sidaasi ku qoray cinwaankiisa Twitterka ee @POTUS

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor