Uhuru Kenyatta oo ka codsaday Soomaalida-Kenya inay isaga u codeeyaan Isbahaysiga Jubilee.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ka codsaday dadka Soomaalida ku nool Degmadda Wajeer ee W/bari Kenya inay Isbahaysiga Jubilee u codeeyaan marka la gaaro Doorashadda dhici doonta bisha August ee sannadkan.

Waxa uu tilmaamay inay Dowladiisa wax badan u qabatay dadka Reer Wajeer, wuxuuna iska fogeeyey eedeymaha ay Xisbiyadda Mucaaradka ku sheegaan inay Dowladda haatan ku fashilantay  Codsiyaddii Guddiga Garsoorka Runta iyo Dib-u-heshiisiinta.

Waxa uu Madaxweyne Uhuru sheegay inay Dowladiisa fududeysay sidii ay Dadka Reer Wajeer u heli lahaayeen Aqoonsiga ID-Cards-ka.

©Radio Dalsan