Uhuru Kenyatta oo beeniyey inay Ciiddankiisa ku lug leeyihiin Sonkorta Kontorobaanka.

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta waxa uu si toos ah uga hor-yimid Warbixintii Kooxda Suxufiyiinta Caddaalad-doonka ee  JFJ ee ay ku sheegeen inay Ciiddanka Kenya macaash xooggan ka helaan Kontorobaanka Sonkarta laga keeno Kismaayo ee loo gudbiyo gudaha Kenya.

Uhuru Kenyatta oo shalay hadal ka jeediyey  Gobalka Bugoma ee Galbeedka Kenya ayaa  sheegay inaysan waxba ka jirin Warbixinta lagu sheegay inay Ciiddanka Kenya iyo Xarakadda Alshabaab ayaa si wadajir uga shaqeysta Sonkorta Kontorobaanka ee loo soo gudbiyo gudaha Kenya.

JFJWarbixinta Kooxda Suxufiyiinta ee JFJ  ayaa lagu sheegay inay Ciiddanka Kenya, Maamulka Jubbaland iyo XarakaddacAlshabaab ku lug leeyihiin ka-ganacsiga Dhuxusha iyo Sonkorta Kontorobaanka oo ay ka helaan lacag dhan 400-million oo Dollar.

Madaxweynaha Kenya waxa uu tilmaamay inay nasiib-xumo tahay inay qaar ka mid ah Hoggaamiyayaasha ku biiraan Cambaaraynta Hay’addaha Ammaanka Kenya, halkii laga filayey inay Ciiddanka  dhiiri-geliyeen.

Waxa uu intaasi ku daray in qaar ka mid ah Hoggaamiyayaasha Kenya niyad-jebinayaan Ciiddanka, iyagoo taageeraya Eedeymaha loo soo jeediyo.

“Waxaad aragteen waxa ka dhacay magaalladda Paris ee Argagixisadda dileen in ka badan 150-qof.Ma waxaad doonaysaan inaan dadkaasi ugu oggolaano inay si xor ah ugu dhaqdhaqaan gudaha dalkeenna, si ay inoo waxyeeleeyaan?” ayuu is-weydiiyey Uhuru Kenyatta.

“Aniga marnaba ma arkin Akhlaaq-xumidaas, waxaana dhamaantiina idiin sheegayaa inay Dowladayda si xooggan u garab taagan yihiin Ciiddanka Kenya ee ku sugan gudaha Somalia” ayuu yiri.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Kenya waxa uu ku baaqay in Ciiddanka iyo Hay’addaha Ammaanka Kenya loo oggolaado inay shaqadooda u gutan faragelin la’aan siyaasadeed, wuxuuna taageeray inay si buuxda uga dambeyn doonaan Ciiddanka, lana oggolaan doonin inay Dembiilayaasha dilaan Dadka rayidka ee Birri-ma-geydada ah.KDF 2

Bishii August ee la soo dhaafay, Hoggaamiyaha Isbahaysiga Mucaaradka ee CORD, Raila Odinga waxa uu sheegay in inta sonkorta lagu iibiyo Dukaamanka Kenya in ay Ciiddanka Kenya si Kontorobaan ah uga keeneen Dekedda magaalladda Kismaayo.

KDF 3

© Radio Dalsan