Uhuru Kenyatta oo ammaanay Ciiddankiisa ka hawlgala gudaha dalka Somalia

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa hadalkaasi ka sheegay Dugsiga tababarka Ciiddanka ee Degmadda Eldoret, halkaasi oo lagu tababarayey ciiddan cusub, wuxuuna xusay in ciiddankii ka qeyb galay Hawlgalka Difaac Dalkaada Hooyo (Operation Linda Nchi) iyo dagaaalladda lagula jiro Alshabaab.

“Ciiddankeenna waxay hawlgal ku muujiyeen qiimaha Qarankenna” ayuu yiri Uhuru Kenyatta oo intaasi ku daray inay Ciiddanka Kenya mararka qaarkooda loogu yeero inay ku hawl-galaan xaalladdo adag.

Waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddanka Kenya heleen xushmad caalami ah hawlgalka muddada dheer ee Nabad-ilaalinta Calaamka.

Dhinaca kale, waxa uu ku baaqay inay Ciiddanka ka mid noqdaan Qabaa’illadda Kenya oo dhan, wuxuuna ammaanay tiradda haweenka ka tirsan  Ciiddanka oo uu tilmamaay inay muujinayso isku-dheelitirka Jinsiga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor