Uhuru Kenyatta iyo Ra’isul-wasaare Omar Abdirashid oo kulan ku yeeshay Nairobi.

RW 4

Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka Somalia, Omar Abdirashid Ali Sharmarke oo maalmahan booqasho hawleed ku joogay dalka Kenya waxa uu kulan la qaaday Madaxweynaha dalkaasi, Uhuru Kenyatta.

Kulankaasi oo ka dhacay Aqalka Dowladda ee magaalladda Nairobi, waxay Labada Hoggaamiye ka wada hadleen Xiriirka Labada Waddan, Dib-u-soo-celinta Qaxootiga Soomaalida ku sugan Xerada Dhadhaab iyo Hawlgalka AMISOM ee lagula dagaalamayo Xarakadda Alshabaab.

Ra’isul-wasaare Sharmarke waxa uu sheegay inay Xukuumadiisa iskaashi fiican kala yeelanayso Dowladda Kenya iyo Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qxaootiga (UNHCR) sidii Qaxootiga Soomaalida si nidaamsan loogu celin lahaa dalkooda hooyo.

Uhuru Kenyatta iyo Ra’isul-wasaare Sharmarke waxay kaloo ka wada hadleen Wada-shaqeynta Guddiga Wadajirka ee Iskaashiga ee  The Joint  Commission for Cooperation (JCC), Arrimaha Ammaanka ee Somalia iyo dalalka Gobalka.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka Somalia, Omar Abdirashid Ali Sharmarke waxa uu ugu mahadceliyey Madaxweynaha iyo Dowladda Kenya doorka dhexe ee ay ka qaataan dadaalladda socda ee lagu soo celinayo Deganaansha Guud ee dalka Somalia.

Labada Hoggaamiye kama wada hadlin Muranka dhinaca Xuduud-baddeedka ee u dhexeeya Somalia iyo Kenya, iyadoo Dowladda Federalka horey Dacwad ugu gudbisay Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka ee The International Justice Court (IJC) oo ku taalla magaalladda The Hague ee dalka Netherlands.

© Radio Dalsan

 RW 2RW 3RW5RW 4

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor