Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga oo ku dhawaaqay Baroor-diiq Qaran.

 

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyarttaa oo maalmahan booqasho hawleed ku joogay Gobalka Xeebta ayaa la filayaa inuu maanta Aqalka Dowladda ee magaalladda Mombasa kaga dhawaaqo 3 maalmood oo Baroor-diiq Qaran ah, si loogu xusuusto Askartii lagu dilay Weerarkii ay Alshabaab bishan 15-dii ku qaadeen Ciiddankii Kenyanka ee ku sugnaa Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Tallaabadda uu Uhuru Kenyatta ku shaacinayo Baroor-diiqa Qaran ayaa imaanayso, kadib, markii uu Hoggaamiyaha Isbahaysiga CORD, Raila Odinga ku baaqay in muddo 2 maalmood loo murugoodo Askarta lagu dilay gudaha Somalia.

Qoraal uu soo saaray Raila Odinga waxa uu ugu baaqay Madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu joojiyo dhamaan Dhaqdhaqaaqyadda, iyo inuu Kulan Degdeg ah isugu yeero Golaha Xukuumadda si looga tashado tallaabadda ugu muhiimsan ee horey loo qaadi karo iyo in dadka Kenyanka loo muujiyo inaysan Askarta oo dhan wada le’anin.

Raila Odinga waxa kale oo uu ku baaqay in Calanka hoos loo dhigo iyo in la ogaado muhiimadda ay Dadka Kenya u leedahay Xilligan, waa sida uu hadalka u dhigay.

Mucaaradka iyo Muxaafadka Kenya ayaa u muuqda inay Aragti Mideysan ka qaateen Weerarkii ay Alshabaab ku dileen ama ku dhaawaceen Askarta Kenya ee ku sugan Gobalka Gedo, inkastoo aan weli la xaqiijinin tiradda Askarta Kenya ee lagu dilay weerarkaasi.

Alshabaab waxay horey u sheegeen inay weerarkii Ceel-cadde ku dileen Askar Kenyan oo tiradoodu u dhexeyso 63 ilaa 100 Askari, balse, Dowladda Kenya wey beenisay sheegashadaasi.

Dhinaca kale, Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, waxaa Garoonka Wilson Airport ee magaalladda Nairobi la gaarsiiyey Ku-dhawaad 30 Askari oo dhaawacan iyo maydadka Afar Askari.

Wasiirka Difaaca ee Kenya, haweeneyda lagu magacaabo Raychelle Omamo ayaa sheegtay inay  qoysaska Askarta dhibaatadda soo gaartay u gudbin doonaan Faahfaahinta Khasaaraha, ka hor inta aan loo soo bandhigin Dadweynaha kale.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor