Ugu yaraan 8 Shaqaalaha Difaaca Madaniga oo lagu dilay duqeyn ka dhacday dalka Syria.

Duqeyntaasi ayaa la sheegay in lala beegsaday Xarunta Gurmadka ee Deegaanka Kafar Zita ee Gobalka Xama ee W/galbeed dalkaasi, halkaasi oo lagu dilay Shaqaalahaasi oo loo yaqaano Koofiyada Cad (White Helmets).

Qoraal ay Ciiddanka Difaaca Rayidka ee Koofi Cad a yaa lagu sheegay inay weerarkaasi waxyeelo ka soo gaartay dad u soo gurmaday dadka wax ku noqday duqeyntii koowaad.

Kooxdu waxay kaloo sheegtay in 5 mayd laga soo bixiyey burburka dhismaha, iyadoo welina maydad kale laga raadinayo burburkaasi.

Ma cadda cidda sida rasmiga u qaaday Duqeyntaasi, balse, Diyaaradaha Dagaalka ee Syria iyo Raashiya ayaa inta badan duqeeya goobaha ay Kooxaha mucaaradka ka haystaan dalka Syria.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media