Ugu yaraan 40 Askari oo lagu dilay dalka Kongada Dimuqraadiga.

Sarkaal ka tirsan Ciiddanka Ammaanka ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Turkiga ee ANADOLU  inay Maleeshiyadda jidka u galeen Ciiddanka oo iyagu u kala safrayey Degmooyinka Tashikapo iyo Kananga.

Maleeshiyadda hubeysan ee lagu magacaabo Kamwina Nasapu ayaa la sheegay inay qaadeen weerarkaasi oo ah kii ugu dhimashadda badnaa ee ay Ciiddanka dalkaasi la kulmaan tan iyo markii u uKacdoonku bilowday dabayaaqadii sannadkii hore.

Maleeshiyadaasi waxay dalkaasi ka dagaalamayeen tan iyo bishi iAugsut ee sannadkii hore, markii ay Ciiddanka Dowladda dileen Hoggaamiyahooda oo la oran jirey Kamwima Nsapu.

Dhinaca kale, QM ayaa sheegtay in ka badan 400 qof la dilay, isla markaana ay Hay’addaha Xuquuqda Aadanaha ee Caalamiga iyo kuwa Maxaliga heleen dhowr Qabuuro-wadareed

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media