Ugu yaraan 4 qof oo ku dhimatay Madaafiic ku soo dhacday Muqdisho

Ugu yaraan 4 qof oo ay ku jiran Hooyo iyo Laba Caruur ah oo ay dhashay ayaa ku geeriyooday Madaafiic Maanta ku soo dhacday Agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya.

Afhayeenka Gobolka Banaadir ayaa BBC u sheegay in dadka dhintay ay gaarayan 5 ruux oo shacab ahaa.

Warar kale ayaa sheegaya in dadka dhintay ay ku jireen Ilaalada Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya gaar ahaan Darawal Boolis ah oo Xafiiska ka shaqeyn jiray.