Ugu yaraan 3 Askari oo lagu dilay weerar ka dhacay duleedka Mosull.

Afhayeenka Boliska, Maxamuud Cata ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka AP inay Kooxda Daacish maanta weerareen Saldhig Bolis oo ku yaalla Deegaanka Xamaam Al-aliil oo 30-KM dhanka Koonfurta kaga toosan magaalladda Mosul.

Telefishinka Rudaw ee Maxaliga oo ay Weriyayaashooda ku sugnaayeen gudaha Saldhigga la weeraray ayaa sheegay  in ugu yaraan 2 qof isku qarxiyeen Albaabka laga soo galo Saldhigaasi.

Dhinaca kale  oo ka kooban 10-Dagaalyahan oo ay ku jireen 4 Is-qarxiyayaal ayaa laga waabiyey qorshe ay ku geli lahaayeen Saldhigga Helikoptarada Boliska Federalka Iraq ku leeyihiin Deegaanka Al-careej.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media