Ugu yaraan 28 qof oo rayid ah oo lagu dilay duqeyn ka dhacday dalka Syria.

Kooxda La-socodka Xuquuqda Aadanaha ee dalkaasi ayaa sheegtay inay Diyaaradaha Dowladda Syria shalay duqeeyeen magaalladda Duuma, halkaasi oo lagu dilay 22 qof oo rayid ah o oy ku jireen ugu yaraan 2 carruur ah.

Weriye ka tirsan Wakaalladda Wrarka AFP oo booqday Isbitaalka magaalladaasi yaa sheegay inuu ku soo arkay dad badan oo dhaawac ah, kuwaasi oo isugu jiray rag, haween iyo carruur.

Dhinaca kale, Duqeyn ka dhacday Degmooyinka Sabq iyo Harasta lagu dilay 5 qof oo dheeraad ah, sida ay sheegeen Kooxda La-socota dagaalka Syria.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media