Ugu yaraan 254-qof oo ku geeriyootay roobab daadad watay oo ka da’ay dalka Kolombiya.

Hadal ka soo baxay Ciiddanka dalkaasi ayaa lagu sheegay inay sidoo kale la la’ yahay boqolaal kale, kadib, markii roobab iyo dhul go’ ka dhaceen Degmadda Mokoa ee K/Galbeed  ee dalkaasi.

Roobabka oo xilli habeen da’ay ayaa waxa uu sababay inay gebiyadda jabsadaan dhowr Webi, iyadoo ay daadadka dhiiqada watay ay horey u qaadeen guryo ay dad jiifeen iyo gaadiid kale.

Inta badan Dhibanayaasha ma helin fursad ku filan oo ay Saqafka Guryaha ku fulaan ama ay gabaad ka dhigtaan dhulalka Taagga ah.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media