(SAWIRO): Ugu yaraan 24 qof oo ku geeriyootay shil ka dhacay Filibiin,

Saraakiisha dalkaasi ayaa sheegay inay dadkaasi geeriyoodeen, kadib, markii uu Baskii ay la socdeen ku dhacay goob  Waadi ah oo ku taalla Degmadda Caragian ee Waqooyiga dalkaasi.

Dareewalka ayaa la sheegay inuu bareeg ka waayey Baska, xilli uu ka sii daadegayey Waddo Buuraley ah.

45 qof oo rakaab ah ayaa laga soo saaray Waadiga uu Basku ku dhacay, waxaana badankooda soo gaaray dhaawacyo halis ah.

Baskaasi ayaa la sheegay inuu ka yimid Gobalka Isabela, wuxuuna ku sii jeeday Gobalka Ilocos Sur oo ah Gobalka ugu wax soo saarka badan Bariiska iyo Buuriga ama Tubaakadda ee dalkaasi.

Shilkaasi ayaa lagu tilmaamay kii ugu khasaaraha badnaa ee dalkaasi ka dhaca dhowrkii sanno ee la soo dhaafay.

The scene of the crash. Pic: YouScoop / Clyo Hanah SadabaThe scene of the crash. Pic: YouScoop / Clyo Hanah Sadaba

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media