Ugu yaraan 15 ruux oo ku dhaawacmay madaafiic ku soo dhacday Degmada Afgooye

Ugu yaraan 15 ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay kadib markii 5 madfac ay ku soo dhaceen Degmada Afgooye,gaar ahaan Xaafada Xaawa Taako.

Wariyaha Radio Dalsan ee Afgooye ayaa soo sheegaya in ammaanka Degmada aad loo adkeeyay,iyada oo dadkii dhaawacmayna la dhigay cusbitaalada Afgooye.

Al Shabab ayaa loo maleynayaa iney ka dambeyso weerarkan madaafiicda ah ee Xalay ka dhacay Degmada Afgooye.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor