Ugu Yaraan 14 ruux oo ku dhimatay dhismo ku soo dumay magaalada Nairobi

Inta la xaqiijiyay 14 ruux ayaa ku dhimatay tiro kalena waa ay ku dhaawacmen dhismo 6 dabaq ka koobnaa oo ku soo dumay Nairobi kadib roobab xoogan oo ka da’day magaalada.

Roobabkan ayaa xiray sido kale wadooyin waaweyn oo ku yaalay xaafada Soomaalida u badan tahay ee Islii.

Hey’adda Bisha Cas ee dalka Kenya ayaa sheegeysa in la soo badbaadiyay 150 ruux lana dhigay cusbitaal sida aan ka soo xiganay Wakaalada Wararka AFP.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor