Ugu Yaraan 10-qof oo ku geeriyootay Keymo ku gubanaya dalka Maraykanka

Kumanaan qof ayaa bilaabay inay ka firxadaan guryahooda, kadib, markii uu dab xooggan ka kacay Dhul-kaymeed ku yaalla Gobalka Kaliforniya ee dalkaasi.

Dabkaasi waxaa la sheegay inay ilaa iyo haatan ku dhinteen ugu yaraan 10-qof, wuxuuna baabi’iyey ku-dhawaad 1,500 Guryo iyo Goob Ganacsi, iyadoo 20,000 oo qofna naftooda kala baxsadeen Ololka Kaymahaasi.

Kumanaan ka tirsan Kooxaha Dab-damiska ayaa ku hawlan sidii loo damin lahaa Dabka qabsaday dhul cabirkiisu dhan yahay 73,000 oo Akras ee Waqooyiga Gobalka California.

Guddoomiyaha Gobalka California, Jerry Brown waxa uu xaallad ku soo rogay magaallooyinka Napa, Sopoma iyo Yuba.

Dhinaca kale, Bukaanadii ku jiray Labo Isbitaal oo ku yaalla Degmadda Sonoma ayaa si khasab ah looga daad-gureeyey, iyadoo laga cabsi qabo inuu soo gaaro Ololka Kaymaha oo si xawli ah ku socda.