Uganda: Taliye qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM oo muddo hal sanno ku xirnaa Muqdisho oo laga sii daayey Xabsiga.

Gaashanle Sare Samson Nabeeta oo ahaa Ku-xigeenka Sarkaalkii xiriirka Milliteriga iyo Rayidka Ciiddanka Uganda ee Hawlgalka AMISOM ayaa dib u helay xorriyadiisa, kadib, markii lagu waayo caddaymo ku filan oo muujinaya inuu si taxadar la’aan ah gaarigiisa ugu dilay Dable Kabila Okot oo ka tirsanaa Hawlgalka AMISOM bishii Janaayo 1-dii ee sanadkii hore 2014-ka.

Sarkaalkaasi waxa uu hal sanno Maxkamad la’aan ugu xirnaa Xeradda AMISOM ee magaalladda Muqdisho, ka hor inta aan loo gudbinin Xabsiga Xarumaha Dhexe ee Milliteriga Uganda ee Makindye, si loogu soo oogo dacwadda loo haysto.

Markii la soo taagay Maxkamadda, waxa uu Samson Nabeeta qirtay inuu shil ku dilay Dable Kabila Okot, xilli uu u cararay Hawlgal Dagaal, kadib, markii ay Dagaalamayaasha Alshabaab soo weerareen Xarunta AMISOM  oo habeenkaasi ay ka socotay Xaflad loogu dabaal-degayey Dhaslashadda Sannadkii 2014-ka.

Xeer-beegtida waxay sheegeen inaysan Dacwad-oogayaasha soo bandhigin caddayn ku filan inuu si ku-talagal ah u dilay Dable Kabila Okot oo ay dhaawacyo ka soo gaareen caloosha iyo madaxa, taasi oo sababtay inuu geeriyoodo.

Gaashanle Sare Samson Nabeeta ayaa farxad la ilmeeyey, kadib, markii ay Xeer-beegtida Maxkamadda Milliteriga amreen in la sii daayo, kadib, markii lagu waayey Eedeyntii dilka ee loo haystay.

© Radio Dalsan

Source: New Vision

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor