Uganda oo soo dhaweysay duqeyntii ay Maraykanka la beegsadeen Xero ay leeyihiin Alshabaab.

Afhayeenka Ciiddanka Uganda, Colonel Paddy Ankunda ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan duqeyntaasi oo ay Milliteriga Maraykanka sheegeen inay ku dileen ugu yaraan 150 dagaalyahano ka tirsan Alshabaab.

Afhayeenka ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi maanta lagu soo daabacay Wargeyska The Monitor ee ka soo baxa magaallaadda Kampala, wuxuuna duqeyntaasi ku tilmaamay mid u wanaagsan Nabadda Gobalka iyo Deganaanshaha Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.

“Duqeyn kasta oo loo geysto Alshabaab waxay u wanaagsan tahay dadaalka Nabadda ee Somalia” ayuu yiri Colonel Paddy Ankunda.

Dalka Uganda waxa uu qeyb ka yahay Hawlgalka AMISOM, iyadoo ay Somalia ka joogaan in ka badan 6,000 oo Askari.

Bishii September ee sannadkii hore, Dagaalamayaasha Alshabaab waxay 19 Askari oo Ugandese ah ku dileen weerar ay ku qaadeen Saldhig ay Ciiddanka Uganda ku lahaayeen Degaanka Jannaale ee Gobalka Sh/hoose.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor