Uganda oo sheegtay inay dileen Sarkaalkii hoggaaminayey Alshabaabkii horey u dilay Askar Ugandese ah.

Afhayeenadda Ciiddanka Uganda ee qeybta ka Hawlgalka AMISOM, Captain Flavia Terimulungi ayaa sheegtay inay Hawlgal ay Milliteriga Maraykanka iyo kuwa Uganda qaadeen Jimcihii la soo dhaafay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Alshabaab oo lagu magacaabi jirey Abdirashiid Buqdube.

Afhayeenadda oo la hadashay Wargeyska The Monitor ee ka soo baxa magaalladda Kampala, waxay ku eedeysay Abdirashid Buqdube inuu ahaa Sarkaalkii ahaa Taliyihii Jannaale ee horkacayey Alshabaabkii sannadkii hore weerartay Saldhigga Ciiddanka Uganda ku lahaayeen Degaanka Jannaale ee Gobalka Sh/hoose.

Waxay intaasi ku daray in weerarkaasi lagu dilay 19 Askari oo ka mid ah Ciiddanka Uganda, inkastoo ay Alshabaab horey u sheegtay weerarkaasi oo dhacay bishii September 2-dii ee sannadkii hore inay ku dileen 50 Askari oo Ugandese ahaa.

Dhinaca kale, Afhayeenadda Ciiddanka Uganda ee qeybta ka Hawlgalka AMISOM, Captain Flavia Terimulungi waxay  soo bandhigtay magacyadda 7 Sarkaal oo ka tirsan Alshabaab oo uu sheegay inay hal bil gudaheeda ku dileen, waa sida ay hadalka u dhigtay, waxayna magacyadooda ku sheegtay:

  1. Abdirashid Buqdube, Taliyihii Alshabaab ee Deegaanka Janaale.
  2. Aadan Baale, Taliyihii Alshabaab ee Deegaanka Leego.
  3. Sheikh Maxamed Cali, Taliye-xigeenka Labaad ee Alshabaab ee Deegaanka Jannaale.
  4. Maxamed Abribo, Garsoorihii Jannaale.
  5. Xasan Cali Dooli, Madixii Amniyaadka Sh/hoose
  6. Abu Islaami oo u dhashay Yemen, ahaana Khabiir dhinaca Farsamaynta Miinooyinka
  7. Sheekh Mansuur oo ah Smali-Kenyan o oahaa Madaxa Tababaradda Alshabaab ee Gobalka Sh/hoose.

Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinayo in la dilay Saraakiisha Alshabaab sida ay Afhayeenadda Ciiddanka Uganda ee qeybta ka Hawlgalka AMISOM, Captain Flavia Terimulungi soo bandhigtay.

Xigasho: The Monitor,

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor