Uganda oo Saraakiil Bolis oo dheeraad ah u soo daad-gureysay Somalia, si ay ugu biiraan Hawlgalka AMISOM

Koox cusub oo ka kooban 14 Sarkaal oo ka tirsan Boliska Uganda ayaa lagu soo biiriyey Hawlgalka AMISOM, hal isbuuc kadib, markii ay Ciiddan tiradoodu dhan tahay 140 Askari oo ka socda Uganda soo gaareen magaalladda Muqdisho.

Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia, ahna Madaxda Hawlgalka AMISOM, Ambassador Maman Sidikou ayaa kula dardaarmay ciiddanka cusub inay dhowraan muhiimadda Boliska ee Hawlgalka AMISOM.

“Boliska waxay door ballaran ka qaadan doonaan sidii ay horey ugu dhaqaajin lahayn Doorashadda Somalia ka dhici doonta sannadka soo socda” ayuu yiri Ambassador Maman Sidikou, oo intaasi ku daray in doorka Saraakiishaasi tahay sidii Alshabaab looga saari lahaa Deegaannadda ay ku sugan yihiin, si ay Somalia u noqoto mid ay ka jirto nabad buuxda, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa uu ku booriyey Saraakiisha Boliska Uganda inay xushmeeyaan dhaqanka Soomaalida, wuxuuna uga digay inay geystaan Kufsi iyo Tacadiyo kale.

Dhinaca kale, Toddobaadkii hore ayey ahayd markii ay 140 Askari oo Ugandhese ah ku soo biireen Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo loo sheegay inay ka hawl galayaan Deegaan cusub, loona baahan yahay inaysan tacadi  iyo kufsi u geysanin Haweenka Soomaaliyeed.

Boliska Uganda waxay qeyb ka yihiin shanta waddan ee Ciiddamo Bolis ku soo biiriyey Hawlgalak AMISOM, kuwaasi oo kala ah Kenya, Nigeria, Ghana iyo Sierra Leone.

UP 1 UP 2