Uganda oo mar kale ka digtay weeraro ay Alshabaab ka geystaan dalkooda

Taliyaha Guud ee Boliska Uganda, Jeneral Kaale Kayihuura ayaa sheegay inay heleen Xog Loo-qaateen ah oo sheegaysa in la qorsheynayo weeraro laga fuliyo caasimadda Kampala iyo deegaanadda ku hareeraysan.

Jeneralka oo Suxufiyiinta kula hadlay Kampala ayaa sheegay inay xog ku hayaan in kooxo wata gawaari laga soo buuxiyey beegsan doonaan Jidka weyn ee isku xira Entebe iyo Kampala.

Waxa uu intaasi ku daray in ay Hay’addaha Ammaanka ku jiraan heegan buuxa, si ay u sugaan ammaanka, loogana hortago Weeraradda laga digay.

Waxa uu sheegay inay Alshabaab qorsheynayaan inay beegsadaan Dugsiyadda, Masaajidda, Hoteelladda, Dukaamaha waa weyn iyo Kaniisadaha ku ag yaalla Dhismooyinka Hay’addaha Ammaanka.

War-Saxaafadeed uu soo saaray Taliyaha Guud ee Boliska Uganda, Jeneral Kaale Kayihuura ayaa la soo dhigay Wargeysyadda dalkaasi, wuxuuna xusay inay ku baraarugsan yihiin weeraraddii Jimcihii la soo dhaafay ka kala dhacay Somalia, Kuweyt, Tunisia iyo Fraansiiska.

Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay oo ay Dowladda Kenya ka digaan waxa ay ugu yeeraan qorshaha Alshabaab ay qaraxyo kaga geysan doonaan gudaha dalka Uganda.

Xigasho: Newsvision

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor