Uganda oo mar kale ka digtay Weerar kaga yimaada Alshabaab

Taliyaha Guud ee Boliska Uganda, Jeneral Kaale Kayihuura ayaa ka shanqariyey inay si dhab ah u qaadanayaan digniinta ku aadan inay Alshabaab qorsheynayaan weeraro ay ka fuliyaan  gudaha Uganda.

Jeneralka ayaa sheegay in la adkeeyey ammaanka, xilli ay dadka Uganda isku diyaarinayaan Fasaxoooda Eestarka.

Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmaya iyadoo ay Boliska Uganda maanta qabteen saddex Eedeysane oo lagu tuhumayo inay weeraro geysan lahaayeen.

Wargeyska The New Vision ayaa maanta qoray in saddexdaasi qof lagu qabtay Deegaanka Kasese, iyagoo watay Gaari Land Cruiser lahaa Taarikadda u gaarka ah Gaadiidka Kenya.

Dhinaca kale, Boliska Uganda waxay toddobaadkan fuliyeen hawlgalo ay ku soo qabteen lix qof oo lala xiriirinayo Xarakadda Alshabaab.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor