Uganda oo ka digtay Weeraro ka dhaca Dalkeeda

Booliska Uganda ayaa ka digay Weeraro Al Shabaab ay ka geystan Masjidyo ku yaala Dalkasi gaar ahaan Caasimada Kampala.

Booliska waxa ay sheegen iney heleen Xog Muujineysa in Al Shabab ay gorsheynayen Weeraro ay ka geystan Uganda inta lagu jiro Maalmaha Ciida.

War Saxafadeed ay soo saren Booliska Dalka Uganda ayaa lagu sheegay in koox Al Shabab ka tirsan oo baadi goob loogu jiray iney qorsheyneysay Weeraradan laga digayo.

Uganda ayaa dhowr jeer ka digtay Weeraro Al Shabab ay ka geystan Dalka Uganda tan iyo Sanadkii 2010kii markas oo Qaraxyo ka dhacay Kampala lagu dilay ku dhawaad 80 qof.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor