Uganda oo dooneysa iney ciidamadeeda ka saarto Soomaaliya

Ciidamada Uganda oo tan iyo 2007dii door muhiim ah ku lahaa howlgalka AMISOM ayaa imminka la qorsheynaa in laga saaro Soomaaliya sida uu baahiyay Wargeyska New Vision ee Wadankasi ka soo baxa.

Dowlada Uganda ayaa imminka dib u eegis ku sameyneysa ciidamada uga qeybgalaya howlgalka AMISOM oo Soomaaliya ku sugnaa 9kii sanno ee la soo dhaafay.

Afhayeenka Ciidamada Uganda kornel Paddy Akunda ayaa xaqiijiyay in qorshahasi uu jiro lkn weli aysan dowlada Uganda qaadan go’aanka ah in ciidamada ay ka soo saarto Soomaaliya.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor