Uganda oo dib u dhigtay dacwad loo haysto Tobaneeyo qof oo lala xiriirinayo Alshabaab

Dilkii Dembi baaristii Joan Kagazi ee habeen hore lagu dilay Kampala ayaa sababtay in uu Garsoorka Uganda hakiyaan dacwado ku socotay 13 Eedeysanayaal lala xiriirinayo Alshabaab, kuwaasi oo lagu tuhunsan yahay inah ka dambeeyeen Qaraxyaddii Kampala ka dhacay bishii July ee sannadkii 2010-kii.

Eedeysnaayasha ayaa shalay la soo taagay Maxkamadda Sare ee Kampala, iyadoo aad loo adkeeyey ammanka.

Afhayeen u hadlay Xeer-beegtida Maxkamadda ayaa sheegay in dib loo dhigay Dacwadda, mana sheegin xilliga ay dib u bilaabanayso.

Ilo-wareed ayaa sheegay inuusan Maxkamadda soo xaadiri waayeen Markhaatigii ugu muhiimsanaa dacwadaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor