Uganda oo bilaabi doonto dhegeysiga dacwadii Alshabaabkii geystay qaraxyaddii Kampala

11 Eedeysane oo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen weeraradii Is-qarxinta ee lala begsaday Taageerayaal magaalladda Kampala ku daawanaysay Finaalkii Ciyaartii K/cagta ee Adduunka ee sannadkii 2010-kii dhex martay Xulalka Netherlands iyo Spain ayaa la shaaciyey in dabayaaqadda bishan la soo taagi doono Maxkamadda Sare ee Uganda.

Weeraradaasi Mataanaha ataa waxaa ku geriyootay in ka badan 76 qof, iyadoo in ka badan 100 kalena ku dhaawacmeen.

Agaasimaha Dacwad-oogaha Dowladda Uganda, Mike Chibita ayaa sheegay in dacwadaasi dib loo dhegsyan doono ka hor intaysan dhamaanin bishan May.

Dhegeysiga Dacwadaasi ayaa horey loo hakiyey bishii Maarso 31-dii ee la soo dhaafay, kadib, markii la dilay Sarkaalad ka tirsanayd Xeer ilaalinta Uganda oo la oran jirey Joan Kagezi.

Afhayeenka Dacwad-oogaha Dowladda Uganda, Ms Jane Okuo Kajuga yaa sheegtay inay weli diyaarinayaan Koox cusub oo Dacwad-oogayaal ah o ola wareega dhegeysoga Kiiskaasi.

Waxay intaasi ku dartay in loo baahan yhaya in waqti ddheeraad loo helo sidii lagu soo xuli kahaa Kooxda Cusub ee qaadaysa Dacwadaha loo haysto Eedeysanayaasha Alshabaab eel ala xiriirinayo Isqarxinta Mataanaha ee sannadkii 2010-kii ka dhacday magaalladda Kampala.

Xigasho:- The Monitor.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor