Uganda oo adkeysay Ammaanka Xuduudaha, cabsida weerarada Alshabaab.

Afhayeenka Boliska Uganda, Michael Odongo ayaa sheegay inay Ciiddamo badan dhigeen xuduudaha laga soo galo ee degmooyinka Busia iyo Malaba ee Bariga Uganda, xilli loo diyaar-garoobayo Dhalashadda sannadka cusub ee 2016-ka ee Taariikhda Miilaadiyadda.

Waxa uu tilmaamay inay ka taxadirayaan weeraro laga cabsi qabo inay Dagaalamayaasha Alshabaab ku soo beegaan Dabaaldegga sannadka cusub, waa sida uu hadalka u yiri.

UGANDA POLICEWaxa uu intaasi ku daray inay Ciiddanka Ammaanka iyo Hay’addaha kale ee Ammaanka xoojiyeen Sirdoonka, si ay u ilaaleeyaan deegaan kasta, wuxuuna ugu baaqay Milkiilayaasha goobaha dadku isugu yimaadaan inay hubiyaan Ammaanka.

Alshabaab waxay horey u sheegeen inay weerari doonaan dalalka ay Ciiddanka ka joogaan Somalia, oo ay Uganda ku jirto, waxayna Alshabaab weerar iyo Isqarxin ka geysteen caasimadda dalka Uganda ee Kampala bishii July 11-dii ee sannadkii 2010-kii.

Hawlgalkaasi  waxaa ku geeriyooday  74 qof oo daawanayey Ciyaartii Finaalka ee Koobka K/Cagta ee Adduunka ee lagu qabtay dalka Koonfurta Afrika.

©Radio Dalsan