UEFA oo ka baaraan degaysa Baaritaanka dhaawicii Laacibka Maxamed Saalax.

Xiriirka K/cagta ee Europe (UEFA) ayaa sheegay inay eegayaan suurto-galnimadda Baraitan lagu sameeyo dhaawicii Xiddiga Kooxda Livepool, Maxamed Saalax, ee uu u geystay Kabtanka Kooxda Real Madrid, Sergio Ramos.

Laacibka Reer Masar waxa uu ku dhaawacmay Ciyaartii Finalka ee Koobka Horyaalka Europe oo bilowgii isbuucan ka dhacay caasimadda dalak Ukraine ee Kiev.

Afhayeenka Xiriirka UEFA oo saakayto la hadlay BBC Sports ayaa sheegay inuusan Xiriirku weli si rasmi ah u soo gaarin Dacwado ka timid qof kasta oo ka tirsan Kooxda Liverpool ama Maxamed Saalax naftiisa.

Halyeeyga Reer Masar waxa uu Ciyaarta isaga baxay 30-daqiiqo kadib, markii uu ka dhaawacmay Garabka.

Kooxda Real Madrid ayaana 3-1 kaga badisay Kooxda Liverpool, iyadoo ay ciyaartoydii Liverpool niyad-jab ka qaadeen Dhaawaca Weerar-yahankooda, Maxamed Salaax.

WQ. Ustaad Nuradin

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media