Ubucda Dagaalka Gaalkacayo: Ma Siyaasad baa, mise Deegaan ?

gaasguuleed
 Dhaqdhaqaaqyo Siyaasadeed ayaa socda oo  lagu doonayo in lagu qaboojiyo Xasaradda ka taagan magaalladda Gaalkacayo, laakiinse, jihada loo marayo ayaa u muuqata mid marin habaabsan.

Ra’isul-wasaare Omar Sharmaarke ayaa hayinka u haya Dadaalka Nabadaynta Siyaasiyiinta Maamul-gobaleedyadda Puntland iyo Galmudug, wuxuuna Madaxda Labadaasi Maamul ka ballan-qaadeen in la joojin doono Colaadda Gaalkacayo.

Xiisadda ayaa maanta u muuqatay mid kacsan, waxaana dhacay dagaallo sababay dhimasho, dhaawacyo iyo burbur hantiyeed.

Welina ma muuqato Ifafaalo lagu xalin karo Colaadaasi, waxaana isweydiin mudan Maxay salka ku haysaa Colaadda, ma Siyaasad mise Deegaan ?

Siyaasiyiinta ayaa rumeysan inuu ficiltan siyaasadeed iyo Bandhig Awoodeed ku laran yihiin dagaalka bishan November  22-dii ka qarxay magaalladda Gaalkacayo ee kala qeybsan, isla markaana uu khilaafku ka mug dheer yahay Jid la dhisayo iyo Isbalalarin Deegaameed.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug, C/weli Gaas iyo C/kariim Guuleed ayaa loo aaneyn karaa inay iyagu mas’uul ka yihiin Colaadda Taageerayaashooda ku wada nool Gaalkacayo, waxayna Labadaas Hoggaamiye u muuqdaan kuwo aan lahayn Bisayl Siyaasadeed iyo Danqasho Mujtamac.

Tan iyo markii Maamul-Gobaleedka la unkay dhowr bilood ka hor, waxaa jiray Xin-siyaasadeed iyo Is-maan-diid u dhexeeya Labada Madaxweyne iyo Maamulkooda, waxayna taasi keentay inay Taageerayaashooda isku deegaanka ah isku muujiyaan Nacayb iyo in la carqaladeeyo ku-wada-noolaashihii magaalladda Gaalkacayo.

Xaqiiq ahaan Kala-qeybsanaanta Gaalkacayo ayaa noqotay Utin ku taagan Reer Gaalkacayo, waxayna Siyaasiyiinta, Odayaasha Dhaqanka iyo Bulshadda ku baraarugi la’ yihiin inay magaalladda mideeyaan, dadkuna is-dhex galaan, iyadoo la iska illaabayo Dhacdooyinkii hore iyo Waayihii Adkaa ee la soo maray.

Hoggaamiyayaashii Milliteriga ee geeriyootay, Jeneral Caydiid iyo Kolonel C/llaahi Yuusuf ayaa horey dadaal ugu galay sidii Heshiis Nabadeed loo dhex dhigi lahaa Reer Gaalkacayo, waxayna sannadkii 1993-kii wada saxiixdeen Heshiiska Nabadda ee ilaa iyo haatan lagu caana-maalayo.

Docda kale, Madaxweynayaashii hore ee Puntland waxay ahaayeen kuwo iska ilaaliya in Reer Gaalkacayo olol colaadeed laga dhex shido, waxayna Madaxdii Puntland ka markhaati yihiin inuusan Xilligoodii dhicin Xasarad la mid ah tan ka taagan Gaalkacayo.

Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug, Jeneral Cabdi Qeydiid oo Sarkaal Dagaal-u-joog soo ahaa, markii uu Madax ka noqday Galmudug, waxa uu deggaan ka dhigtay Koonfurta Gaalkacayo, wuxuuna diidanaa inay Reer Gaalkacayo dagaalamaan.

Laakiin, markii uu xilka ka degay ayaa waxay Reer Gaalkacayo madaxa la galeen Colaad-u-joog, Dareen-u-joog, Qax iyo Colaad-sugayaal.

Si kastaba ha ahaatee, haddii la doonayo in Khilaafka Gaalkacayo la xaliyo, waxaa lama huraan ah in marka hore Siyaasiyiinta Puntland iyo kuwa Galmudug heshiisyaan, si ay Ummadda ku nool Deegaanadaasi ugu caano-maalaan Nabad iyo Nolol deggan.

Waxaana habboon in Siyaasiyiinta, Odayaasha Dhaqanka iyo Culumaa’udiinka dadaal mideysan u galaan sidii xal waara looga gaari lahaa Xiisadda Gaalkacayo iyo Deegaanadda kale ee ay colaadaha siyaasadeysan ka holcayaan.

Waxaana isweydiin taagan ah Ubucda Dagaalka Gaalkacayo: Ma Siyaasad baa, mise Deegaan ?

© Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor