Tuuggo ciiddankii qaban lahaa ku kaakiciyey shinni

Kooxo tuugo ah oo u dhalatay dalka Kenya ayaa adeegsaday xeellad ay kaga badbaadeen inay Boliska gacanta ku dhigeen.

Tuugadaasi oo soonaysay inay biro duug ah ka xadaan Degmadda Webuye ayaa waxaa ku yimid Ciiddan ka tirsan Boliska, kuwaasi oo doonayey inay Tuugadda qabtaan.

Laakiin, Tuugadaa oo tiradoodu ka badnayd 10-qof ayaa waxay kaakiciyeen shiini meel ku xoonsanayd, ka hor intaysan Tuugada u baxsanin dhul-kayn ah.

Boliska waxay mar qura ku soo yaacay Shinida, waxayna Boliskii u kala carareen hadba jihadda ay ka badbaadi karaan shinida.

Askarta si dirqi ah ayey ka baxsadeen duullaankii shinida, laakiinse, Sarkaalkii watay oo malaha safka hore ee ciiddanka ka mid ahaa ayey ku xoomeen, isla markaana ay jirkiisa ku reebeen miciyaha ama waabayda qaniinyadda shinidda ee sababa bararka ba’an.

Hal Sarkaal ayey shinida si xun u qaniintay, waxaana loola cararay Isbitaalka Guud ee Degmadda Webuye.

Tuugadii oo tiradooda lagu sheegay in ka badan 10-qof ayaa la sheegay inay mar kale soo laabteen, oo ay qaateen birihii duugga ahaa, si ay u si iiibiyaan.
shini shini 11

 

Waxaa Turjumay Ustaad Nuradin Abokor Ahmed.