Turkiga oo War kulul kasoo saaray weerarkii lagu le’day ee Muqdisho

Dowladda Turkiga ayaa si kulul uga hadashay Qarax Is-miidaamin ah oo loo adeegsaday Mooto oo fiidnimadii xalay lagu weeraray Maqaayada Luul Yemeni oo ku taalla agagaarka Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa waxaa lagu sheegay inay ka xun yihiin weerarkii lala beegsaday dadkii shacabka ahaa ee ku caweynayay Maqaayada Luul Yememi, ayna Cambaareynayaan falkaas foosha xun.

Turkiga ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska dadkii shacabka ahaa ee waxyeelada kasoo gaartay qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyagoona dadka dhintay Alle uga baryay inuu u naxariisto, halka kuwo dhaawacmay ay u rajeeyeen Caafimaad.

Waxaa ay sheegtay dowladda Turkiga ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya, ayna garab taagan yihiin “waxaan sii wadeynaa dadaalada iyo  garab istaagga dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada”.

Inta la xaqiijiyay in ka badan 15 qof ayaa ku geeriyooday qaraxaas lagu weeraray Maqaayada Luul Yemeni, waxaana ku dhaawacmay dad gaaraya ilaa iyo 30 qof oo qaarkood ay ku jiraan dad uu kusoo dumay Guryo, iyadoona weerarkaas Mas’uuliyadiisa sheegteen Al-shabaab oo tilmaamay  inay beegsadeen Saraakiil Ciidan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor