Turkiga oo wacad ku maray inuu Jawaab adeg bixinayo, kadib weeraro lagu qaaday

Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa Arbacadii sheegay in Turkiga  ay sameyn doonto wax kasta oo lagama maarmaan u ah amnigeeda kadib wax uu ugu yeeray weeraro sare u kacay oo maleeshiyada Kurdish-ka Syria ee YPG ay ka fulisay xuduudda.

Madaxweyne Erdogan ayaa Isniintii sheegay in weerar ay Ankara ku eedeysay kooxda YPG, oo Mareykanka uu taageero, kaasi oo lagu dilay laba sarkaal oo boolis Turkish uu ahaa mid dulqaadka ka dhameeyey, islamarkaana Ankara ay ka go’an tahay inay cirib-tirto halista kaga imaneysa waqooyiga Syria.

Turkiga ayaa sheegtay in boolis ku sugnaa gobolka waqooyiga Syria ee Azaz lala beegsaday gantaallada la hago Axaddii, kaasi oo ay ku eedeeysay YPG.

Sidoo kale Isniintii ayaa gantaalo laga soo tuuray deeganada ay haysato YPG waxa ay ku dhaceen magaalada Karkamis ee koonfurta Turkey, sida ay sheegtay Ankara.

Isaga oo ka hadlayey Ankara, ayaa Cavusoglu wuxuu sheegay in Mareykanka iyo Ruushka aysan kasoo bixin ballan-qaadkooda ahaa inay xaqiijin doonaan in maleeshiyada YPG ay ka baxdo aagga xuduudda Syria.

Turkiga ayaa maamula qeybo badan oo ka mid ah waqooyiga Syria ayada oo gacan ka heleysa mucaardka Syria ee xulufada la ah, kadib markii aagaas ay ka fulisay howlgallo ka dhan ah Daacish iyo YPG.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor