Turkiga oo soo riday Diyaarad Dagaal oo ay Milliteriga Raashiya leeyihiin

Milliteriga dalka Turkiga waxay maanta soo rideen Diyaarad Dagaal oo Raashiya leedahay, taasi oo la sheegay inay ku soo xadgudubtay Hawada dalka Turkiga.

Diyaaradaasi Dagaal oo nooceedu ahaa Sukhoi Su-24 ayaa waxaa toogtay soona riday Diyaaradaha Dagaalka Turkiga ee noocoodu yahay F 16.

Ra’isul-wasaaraha Turkiga ayaa la sheegay inuu bixiyey marka lagu soo riday Diyaaradaasi oo Hawlgal Milliteri ka waday gudaha dalka Syria.

Wasaaradda Gaashaandhigga Raashiya waxay sheegtay inay Diyaaradda ku jirtay Hawada dalka Syria, markii ay Milliteriga Turkiga toogteen.

Muuqaal Video oo ay soo duubeen Dagaalamayaasha ku sugan Buuraha Turkomen Mountains ayaa muujinaya Dagaalyahannadda Deegaanka oo faraxsana, kadib, markii ay heleen maydka mid ka mid ah Duuliyaaashii Diyaaradda Raashiyaanka ee  la soo riday

Muuqaalka Video-ga ayaa waxaa barta Twitterka soo dhigay nin la rumeysan yahay inuu ka mid yahay askarta Turkmenka Syria.

Ugu yaraan tobaneeyo nin  ayaa ku hareeraysan maydka duuliyaha oo ku labisan dharka Milliteriga Raashiya.

Qaar ka mid ah dadka ayaa waxay ku dhawaaqayeen “Allaahu Akbar”.
Lama garanayo waxa ku dhacay Duuliyihii Labaad ee xilligaasi Diyaaradda ku dhex jiray.

Diyaaradda waxay ku qaarxday Hawada, iyadoo bixinayo dhimbilo dab sidii kubbadda ah, kuwaasi oo ku hoobtay Buuraaha TRurkmen ee dhinaca xuduudka Syria.
Hadal ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Raashiya waxaa lagu sheegay inay ka war dhowrayaan xaalladda diyaaradda dagaalka ee laga soo riday, iyadoo ay Raashiya rumeysan tahay inay Diyaaradda ku jirtay Hawada Raashiya markii la soo riday.

Dhinaca kale, hadal ka soo baxay Milliteriga Turkiga ayaa lagu sheegay inay Diyaaradda soo gashay Hawada Turkiga, gaar ahaan Degmadda Yayladagi ee Gobalka Hatay.

Waxay kaloo sheegeen in Labo Diyaarad oo Hawl ilaalo ku jiray ay ka hortageen Diyaaradda, iyadoo uu Ra’isul-wasaaraha Turkiga, Ahmet Davutoglu  bixiyey amarka lagu soo riday Diyaaradda.

R 00 R1 R000 R 2 R4 R6 A SU-24-Russian-fighter-jet R6 R4 R3

© Radio Dalsan