Turkiga oo shaaciyey Xilliga ay Saldhigga Milliteri ka furan doonaan gudaha Somalia.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu ayaa sheegay inay dhawaan bilaabi doonaan Saldhigga Milliteri ee ay ka furan doonaan gudaha dalka Somalia, si loogu tababaro Milliteriga Dowladda Federalka Somalia.

Wasiirka oo shalay ka hadlay Kulan ay lahaayeen Mudanayaasha Barlamaanka Turkiga ayaa carrabka ku dhuftay inay Xilliga Dayrta ee soo socota hirgelin doonaan Saldhigaasi oo uu sheegay inuu muhiim u yahay Ammaanka Somalia iyo guud ahaan Mandiqadda Geeska Afrika iyo Gacanka Carbeed.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu waxa uu tilmaamay inay Somalia ka hirgelinayaan Dhismaha Safaaradda Turkiga, taasi oo tilmaamay inay ku fadhido dhul cabirkiisu dhan yahay 80 Hektar.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay, iyadoo ay Dowladda Turkiga safka hore kaga jirto Dowladaha taageeradda ugu xooggan la garab taagan Dowladda Federalka Somalia, waxaana la filayaa inuu Madaxweynaha dalkaasi, Rajab Dayib Erdogan booqashadiisa 3-aad ku imaan doono Somalia bartamaha sannadkan.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor