Turkiga oo Markab wada Shixnad Samafal u soo diray Somalia.

Munaasabad lagu soo sagootinayey Markabkaasi oo  wada 11,000 oo tan oo Shixnad Samafal ah ayaa shalay lagu qabtay Dekedda Haydarpasa Port oo ku taalla magaalladda Istanbuul.

Guddoomiyaha Hay’adda Turkiga ugu qaabilsan Maareynta Masiibooyionka iyo Gurmadka (The Disaster and Emergency Management Authority (AFAD), Fu’aad Oktay ayaa sheegay inuu Markabkaasi wado Deeq loogu talagalay Maalinta Hooyadda.

Markabkaasi ayaa la filayaa inuu Dekedda Muqdisho ku soo xiran doono 15 maalmood kadib, sida ay sheegtay Hay’adda AFAD.

Dowladda Turkiga waxay Somalia siisay Gargaar lagu qiimeeyey 500 million oo Dollar, iyadoo Dowladda Turkiga kaalin ballaaran ka qaadanayso Hawlaha Gargaarka, Waxbarashadda, Dib-u-dhiska Ciiddamadda iyo Horumarinta Adeegyadda Bulshadda ee Soomaaliyeed.

TURKISH SHJP

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor