Turkiga oo Maanta xariga ka jaraya Saldhig ay ka dhiseyn Magaalada Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya qaban qabao ku aadan munaasabadda xarrigga looga jarayo dhismaha xarunta Ciidanka oo ay hirgelisay Dowladda Turkiga,taasi oo la filayo in maanta si rasmi ah loo furo.

Waxaa munaasabada ka qeybgalaya mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga,iyadoo saldhigani loogu talagalay in markiiba lagu tababari karo ilaa 10,000 oo askari.

Magaaalada Muqdisho waxaa ku sugan Taliyaha Guud ee Ciidamada Dalka Turkiga Hulusa Akar,iyadoo saaka lafilayo in ay Muqdisho soo gaaraan mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Turkiga si ay uga qeybgalaan munaasabdda xarig jarka ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo Muqdisho kula kulmay Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga,isagoo kala hadlay sidii Dowladda Turkigu ay u kordhin lahayd taageerada ay u fidinayso Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media