Turkiga oo cambaareeyey weerarkii shalay ka dhacay Muqdisho ee lagu dilay dad Turkish ah.

Hadal qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda Turkiga ayaa lagu cambaareeyey weerarkaasi, oo ay ku tilmaamtay Weerarkii Sharta ahaa.

Wasaaradda waxay xustay inay Safaaradda Turkiga ku leeyaha magaalladda Muqdishi si dhow ula socon doonaan xaalladda dadka Turkishka ee ku dhaawacmay weerarka lagu qaaday gaarigii ay la socdeen.

Weerarkii shalay ka dhacay Xaafadda Taleex ee Degmadda Hodan ee magaalladda Muqdisho  waxaa lagu dilay Muwaadiniin u kala dhalatay Turkish iyo Azerbajan iyo Dareewal,Turjumaan iyo Ilaalo Soomaali ah, iyadoo lix kalena lagu dhaawacay.TURKISH

Dowladda Federalka wey cambaaraysay weerarkaasi, iyadoo ay Hay’addaha Ammaanka ku hawlan yihiin sidii loo soo qaban lahaa kooxihii ka dambeeyey weerarkaasi.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor