Turkiga oo cambaareeyay weerarkii ay Alshabaab ku qaadeen Xarunta Wasaaradda Tacliinta Sare ee magaalladda Muqdisho

Hadal Qoraal ah oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga soo saartay ayaa lagu sheegay inay Dowladda Turkiga si kulul u cambaaraynayaan weeerarkii ay xubno ka tirsan Alshabaab shalay ku soo qaadeen Xarunta Wasaaradda Tacliinta Sare, laguna dilay tobaneeyo qof.

“Waxaan cambaaraynaynaa weerarka lagu qaaday Hay’adda Dowladda Somalia, waxaana Ilaahay ka baryaynaa inuu  u naxariisto kuwii lagu dilay weerarkaasi” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Turkiga.

Waxay kaloo tacsi u direen qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen weerarkaasi, iyadoo ay dadkii ku dhaawacmay u rajeeyeeyey inay bogsadaan.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga waxay sheegtay inay sii wadayaan taageeradda ay Dowladda Somalia ka siiyaan Dagaalka ay kula jiraan Kooxaha  Argagixisadda, waa sida hadalka loo dhigay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor