Turkiga beeniyey inuu xarumo u sameeynayo Qaxoonti magangelyo doon ah

Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Turkiga ayaa beenisay warar sheeganaya in Dowladda Ingiriisku ay qorshaynayso inay u samayso xarumo magangelyo qaxootiga Afgaanistaan guddaha dalka Turkiga.

Bayaan ay soo saartay, ayay wasaaraddu ku sheegtay in wararka ku saabsan sameynta xarumo noocan oo kale ah aysan ka tarjumeynin runta, iyadoo xustay inaysan jirin codsi rasmi ah oo dal kasta laga soo jeediyay illaa hadda,”Suuragal ma aha inaan aqbalno xitaa haddii codsi noocaan ah laga sameeyo arrintan,” ayay tiri Wasaaradda.

Axadii ayaa Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan u sheegay Madaxweynaha Golaha Yurub Charles Michel in Turkigu uusan qaadi karin mas’uuliyadaha dalalka Yurub ee ku saabsan qaxootiga Afgaanistaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor