Tunisia: Helikoptar loo diyaarinayey in lagu weeraro Dalxiisayaal oo la qabtay.

Boliska Tunisia ayaa xiray rag farsamaynayey Helikoptar ay ku weeraraan Xarumaha Dalxiiska ee dalkaasi.

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa lagu sheegay in mid ka mid ah raga la qabtay uu wiilkiisa 3 sanno ka hor isku qarxiyey dalka Syria.

Helikopterka la qabtay ayaa waxa dhererkiisa lagu sheegay 3 mitir iyo bar.

Dhinaca kale, Boliska waxay xireen 25 qof oo qeyb ka ah Kooxdaasi maleegaysay inay Maalmaha loo dabaal degayo  Sannadka cusub ee 2016-ka weeraro ka geystaan goobaha loo dalxiis tago iyo Xarumaha Boliska.

Waxay kaloo Boliska heleen 2 seef, 350 kg ee maadada  ammonium nitrate iyo 100 litres ee Aashitada sulfuric acid ee laga farsameeyo waxyaabaha qarxa iyo Buugaagta laga barto falalka Argagixisadda.

HELICOPTER 1 HELICOPTER 2

© Radio Dalsan   

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor