Trump oo ku baaqay Isbadel lagu sameeyo Sharciga Socdaalka, kadib weerarkii Ninka Soomaaliga ka geystay Kanada

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa doonaya in Isbedel lagu sameeyo Sharciga Socdaalka, kadib, markii Nin Somali oo dhowr sanno ka hor laga soo tarxiili lahaa Maraykanka uu isbuucii hore weerar ka geystay magaalladda Edmonton ee dalka Kanada.

Madaxweyne Donald Trump waxa uu Qoraal u diray Kongareeska dalkiisa si ay u ansixiyaan  Isbedelka Ammaanka Xuduudaha iyo Sharciga Socdaalka ee Maraykanka.

Dionald Trump oo khudbad ka jeediyey Kongareeska waxa uu tilmaamay inuu Sharciga cusub dhamaystiri doono falalka Qabashadda iyo sii-daynta dadka Qaxootiga.
Waxa uu intaasi ku daray inuu Sharciga cusub awood dheeraad ah siinayo Hay’adda Socdaalka iyo Canshuuraha ee dalkaasi., si ay u sii hayaan dadka shisheeyaha ilaa laga dhoofinayo.

Sarkaal ka tirsan Maamulka Trump ayaa sheegay inuu Codsigaasi yimid, kadib, Kiiska Ninka Soomaaliga ee C/llahi Xasan Shariif oo 30-jir ah, kaasi oo isbuucii hore dhowr qof ku dhaawacay magaalladda Edmonton ee dalka Kanada.

Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu bsihii July 2011-kii lagu qabtay magaalladda San Diego ee dalka Maraykanka, iyadoo uu Garsoore amray in loo soo masaafuriyo Somalia.
Bishii January ee sannadkii 2012-kii ayaa la sii daayey, kadib, markii la sheegay inuusan lahayn DiiwaanDembiyeed ee uu horey u galay

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media